Baadarigii ugu Cansanaa Kuuriyiinta oo Muslimay!!
Baadarigii ugu Cansanaa Kuuriyiinta oo Muslimay!!
Waxaa waagii baryaba si joogta ah loo maqlaa Dad cusub oo Diinta Islaamka doortay xili ay muuqato inay jiraan Dad aad arintaas uga xun oo Daacaayad la daba taagan Diinta Islaamka iyo Muqadaaska Muslimiinta.
Kuuriya marka lasoo hadal qaado waa laba Kuuriyo oo loo kala yaqaan Kuuriayada Koonfureed oo ah mida raacsan Wadamada Reer Galbeedka iyo Kuuriyada Waqooyi oo ah Wadan Shuuciya, waxaan u dhaxeeya Labada Kuuriya cadaawad iyo dhibaato aad u balaaran Siyaasad ahaan, walow ay asal ahaan yihiin hal Qowmiyad.
Magaca Kuuriyana waxaa uu ka soo jeedaa Boqor aad u awood badnaa oo u dhashay wadankaas kaasoo Xukunkiisa gaaray Qarniyadii dhexe ilaa iyo Shiinaha Dhanka Galbeed ilaa iyo Jabaanka Dhanka Bariga, ilaa iyo hadana Kuuriyiinta waxa ay aad u weyneeyaan Caadooyinkii uulahaan jiray Boqorkaas iyo Taariikhdiisiiba.
Diin ahaan Kuuriyiinta waxa ay ahaayeen Dad aminsan Diinta loo yaqaan Budiistaha walow ay wax badan oo isbadal xaga Diinta ah ka jireen Koonfurta Kuuriya taasoo xeriir iyo isdhexgal badan laheyd Wadamada Reer Galbeedka.
Sidaa darteed ayaa kooxaha Ducaada Masiixiyada dadaal badan ku bixiyeen sidii ay Diinka Kirishtaanka ugu dhex faafin lahaayeen Kuuriayada Koonfureed, taasoo fursad u siisay in inta badan Dadkii Wadankaas inay qaataan Diinka Kirishtaanka.....
Baadariga ugu caanasan wadankaas waxaa loo yaqaanay waxa uuna heestaa dhalashada Maraykanka, waxaa uu mudo badan aqrinayay baaritaana ku sameeyay Diinta Islaamka asagoo baaray Maraajicda Diinta Islaamka oo dhan, taasoo wax badan ka badashay fekerkii uu ka qabay Diinta Islaamka.
John ayaa waxa uu u tagay Safiirka Sacuudiga ee jooga Wadanka Koonfurta Kuuriya ee loo Yaqaan Axmad Albareek asagoo ku wargaliyay inuu doonayo inuu Diinta Islaamka qaato, arintaas aad uga farxisay Safiirka Sacuudiga iyo Muslimiinta Wadankaas joogta oo dhan, waxayna safaarada isku dabariday Xaflad si heersare ah loosoo abaabulay taasoo uu ku Iclaamiyay John inuu Muslmay Shahaadada Islaamka lagu galena loogu qabtay.
Waxaa markuu islaamay u hambalyeeyay ka qeyb galayaashii Xaflada oo dhan, waxaana Safaarada ugu bishaareysay John oo la baxay Cabdul-Wahaab inuu ka mid noqdo Muslimiinta Sanadkaan Xajka aadi doona, Safiirka oo Xaflada ka hadlay ayaa sheegay Dadka Islaamay Sanadkaaan Wadankaas gudihiisa inay gaarayaan ilaa 39 Ruux.
Mowsuucada aanka ah ee loo yaqaan wikipedia waxa ay sheegtay in Muslimiinta Kuuryada Koonfureed ay gaarayaan 30.000 qof ayadoo ay taas sii dheer tahay Muslmiin gaaraya 100.000 kuwaasoo ah Ajaanib u shaqo doonatay Wadankaas.
Guud ahaan Arinta ku Saabsan Caalimkan xaga Diinta ah ee Muslimay iyo kuwii ka horeeyayba waxay muujinayaan inuu Diinka islaamku yahay Diin Caalami ah Caalamka oo dhana kusii faafi doona, waxaanan aad ula yaabaa intii aan baaritaanka waayahan ku hayay arintaan ku saabsan Islaamka iyo sida uu Caalamka uga hanaqaadayo inaan arkay Qadaaafigii Liibiya oo leh: Wadamada Reergalbeedka uma baahna Dagaal iyo nin Qarxiya kaliya waxay u baahan yihiin in Muslimiinta Yurub fursad la siiyo ayadaa mar dhaw iskeed Islaam u noqon doonta.
Waxaa muuqata in Islaamku u baahan yahay Fursad laba dhinac ah marka koowaad in Dadka Muslimiinta ah ay u laabtaan Diinkooda bartaan dhaqankoodana u hagaajiyaan sida Diinta Islaamka amreyso, arinta Labaadna waa in Muslimiintu ku dadaalaan inay Diinka gaarsiyaan qofwalba oo ay la dersaan ama meel wax kuwada bartaan ama gaari wada racaan ama mar kulmaan si loogu gargaaro Diinta islamarkaana meesha looga saaro Qurbaha Diinka Islaamku ku yahay Wadamadaan loona hor istaago kuwa aflagaadeynta ku haya.
W/Q: Sh Calinuur Xoogsade
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it





