Faahfaahin Shiikh Cabdulqaadir Nuur Faarax oo lagu dilay Garowe isaga oo salaad ku jira (Cod + Sawiro + Video)
Shiikh Cabdulqaadir Nuur Faarax
Rabbi ha u naxariistee waxaa maanta (Jimce) lagu diley magaalada Garowe al-Waalid Shiikh Cabdulqaadir Nuur Faarax oo ka mid ahaa culimadda ugu waaweyn diinta Islaamka faafisa dalka Soomaaliya.
Shiikha ayaa lagu diley isaga oo ku jira Rakcaddii 4aad ee salaadda Casar Masjidka Bedar magaalada Garowe kaas oo aan ka fogeyn guriga uud degan yahay, waxaana dhagar-qabeenku ka soo toogtey Shiikha daaqaddii (dariishad) ku beegneyd halka uu Masaajidka kaga tukanayey.
Dhagar-qabaha lagu eedaynayo in uu dilka geystey ayaa isku dayey in uu ka baxsado halkaas, laakiin waxaa eryoodey wiil uu dhalay Shiikh Cabdulqaadir rabbi ha u naxaristee, kadibna waxaa ku kacay dadkii xaafadda oo dhan kuwaas oo isku dayey in uux abad isaga celiyo, waxa uu dhaawacay wiil iyo gabadh ka mid ahaa dadkii oryoonayey, ugu danbeyntii markii rasaastii ka dhamaatey waa la qabtey, waxaana loo geystey jirdil kadibna waraysi ayey la yeesheen dadkii kaas oo ay ka duubeen qaarkood Video la soo dhigey Internetka isaga oo ka hadlaya, halka uu ku dhashey, magaciisa iyo cidda uu u dhashey.
Daawo Waraysiga lala yeeshay ka hor inta aan ciidanka lagu wareejin kaas oo FACEBOOK la geliyey
Ninka lagu eedaynayo in uu dilka geystey
Dilka Shiikh Cabdulqaadir Nuur Faarax oo qiyaastii ku jirey cimrigiisa in ka badan 70 sano ayaa si weyn looga argagaxay, waxaana magaalada Garowe qabsadey murugada iyo, tiiraanyo iyo ciil kan dhashey dilkii foosha xumaa ee Shiikh loo geystey, waxaana galabnimaddii hore ee maanta dariiqyada soo buuxiyey dad ay wejiyadooda ka muuqato murugo iyo yaab.
Shiikh Maxamed Xaaji Yusuf ayaa saxaafadda u sheegay in aaska shiikha la isku waafaqeyn in uu dhaco berri salaadda duhur kadib, oo lagu aasi doono magaalada Garowe. Waxaa durba ka soo abxay magaalooyinka waaweyn ee ku yaala Soomaaliya culimo, iyo ardey kuwaas oo doonaya in ay qayb ka noqdaan shiikha isaga oo tukanaya la diley.
Dhegayso Shiikh Maxamed Xaaji Yusuf
Horey waxaa magaalada Bosaso logu diley Shiikh Dr.Axmed Xaaji Cabdiraxaan, oo ahaa Shiikha maanta la diley saaxiibkiis ay muddo dheer jaal ku ahaayeen fidinta diinta islaamka.
Shiikh Cabdulqaadir ayaa dilkii Dr.Axmed Xaaji Cabdiraxmaan ku eedeeyey in ay ka danbeeyeenAmniyaadka Axmed Cabdi Godane oo ah hoggaamiyaha Dhaq-dhaqaaqa al-Shabaab, arrintaas oo gadaal ka soo baxdey lana qabtey qaar kamid ah kuwii diley Dr.Axmed Xaaji Cabdiraxmaankuwaas oo sheegay in amarka Amniyaadka al-Shabaab lagu diley Dr.Axmed, ayna jiraan rag kale oo lala dili lahaa oo ay ka mid ahaayeen Shiikh Cali Warsame oo magaalada Burco ku nool.













