موقع علماء الدعوة السلفية فى الصومال
Fatxusalaam.com
Waa Website kamid Ah websidada Soomaaliyeed Una taagan Faafinta Dacwada iyo manhajkii laga dhaxlay nabiga salal-laahu caleyhi wasallah .
sababta loo Aas Aasay Fatxusalaaam.com
- Maadaama ay bateen fitanta iyo shubahaatka xaga interneedka oo ay jirto websaydo qaar oo lagu Faafiyo Xumaan iyo durid culumada iyo ku been Abuurashadooda , si ay websitekan u noqoto mid codka culumada kor u qaada taasi ayaa ah sababta ugu weyn oo loo Aas Aasay websiteka .
Si ay u noqoto codka culumada mid dadka gaara
Si ay u noqoto keydka Duruusta Culumada
Si sunada iyo manhajka Salafiga Ah loo Faafiyo
manhajka Fatxusalaam.com
- In aan dadka soomaaliyeed ugu yeerno iney ku midoobaan Xariga Alle kana tagaan kala qay qaybsanaanta .
-
In dadka soomaaliyeed aan gaarsiino iney qabsadaan kitaabka Alle Subxaana watacaalaa iyo Sunnada Rasuulka calayhi salaatu wasalaam , una fahmaan labadaas sidey Salafu Saalix u fahmeen Alllaha ka raali noqdee .
-
In dadka Laga nadiifiyo shirkiyaadka iyo quraafaadka lana baro Towxiidka Alle, kaas oo ah sababta naloo abuuray
- In ay noqoto meel ay dadka soomaaliyeed culumadeyda ay ula noqodaan wiixii masaail diin iyo Aduunyaba .
-
Maadaama umada soomaaliyeed ay kala baahday in ay u noqoto umada meel usoo dhaweyso culumadooda oona ay kula xiriiri karaaa .
Shaqooyinka Fatxusalaam.com ay Qabato
1. Keydinta duruusta culumada sida: videoyada ,muxaadaradka , kutubada ,tafsirka
2. Soo deynta si live ah mutamarada ka dhaca daafaha dunida
3. Faafinta iclaamada culumada / ogeysiisyada
4. Soo gudbinta markasto duruusta culumada daafaha dunida ka baxa


